OGAYSIIS MUHIIM AH 

Waxaa la ogeysiinayaa dhammaan walaalaha Soomaaliyeed ee ku nool dalka Holland, gaar ahaan magaalada Nijmegen iyo nawaaxigeeda, in ay ka soo qayb galaan kulan muhiim ah oo looga arrinsanayo danaha iyo horumarka bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Holland gaar ahaan Nijmegen iyo nawaaxigeeda.

📅 Taariikhda: Sabti, 20-ka Sebtember 2025
Waqtiga: 3da galabnimo ama 9 saac saad u taqaanid
📍 Goobta: Lindenberg Aldenhof, Nijmegen

Kulankan waxa uu si gaar ah diiradda u saari doonaa:

    • Sidii loo mideyn lahaa codka iyo awoodda bulshada Soomaaliyeed ee Holland gaar ahaan Nijmegen iyo Nawaaxigeeda.
    • Xoojinta xiriirka bulshada Soomaaliyeed iyo hay’adaha dawliga ah ee maxalliga iyo heer qaran.
    • Ka qaybgalka siyaasadda iyo sida loo matalo danaha bulshada.
    • Fursadaha horumarineed ee dhalinyarada iyo waalidiinta Soomaaliyeed ee ku nool Nijmegen iyo Nawaaxigeeda.
    • Ka warbixin waxyaabihii u qabsoomay xildibaanka

Waxaa sharafta noo ah in uu kulanka naga soo qayb galo Xildhibaan Abdullahi Husein, oo ka tirsan xisbiga GroenLinks Nijmegen, kaas oo la wadaagi doona bulshada aragtiyo iyo qorshayaal ku saabsan horumarinta danaha Soomaalida.

⚠️ Fariin gaar ah: Waxaa muhiim ah in qof kasta oo Soomaaliyeed uu ka soo qeyb galo, si loo wada yeesho dood iyo talo wadaag dhaxal gal ah.

Kaalintaada iyo codkaaguba waa muhiim!
kasoo qeyb gal oo qeyb ka noqo mustaqbalka bulshada Soomaaliyeed ee Nijmegen iyo Nederland-ba.