Waxaan si niyad sami iyo kalgacal leh idiinkugu soo jeedinayaa baaq muhiim ah oo la xiriira doorashada dhacaysa 29-ka Oktoober 2025 ee dalka Nederland. Waxaa muhiim ah in bulshadeennu ay si buuxda uga qeyb qaadato doorashooyinka, si codkeennu u noqdo mid la maqlo, lana tixgeliyo.
Sanadkan, waxaan leenahay fursad dahabi ah – fursad aan codkeena ugu dhiiban karno qof nagala mida, qof fahamsan duruufaha, baahiyaha iyo riyada bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Nederland. Waxaa fursaddaas na siinaysa Fatumo Farah, oo u taagan xisbiga GroenLinks–PvdA, kana mid ah haweenka Soomaaliyeed ee si hufan uga shaqeeya arrimaha bulshada, sinaanta, deegaanka, iyo horumarka.
Waa maxay sababta aan u dooranayno Fatumo Farah?
Fatumo Farah waa musharraxad si dhab ah u taagan danaha dadka laga tirada badan yahay, gaar ahaan soogalootiga. Waa qof aqoon iyo khibrad u leh:
Daryeelka bulshada
Horumarka deegaanka
Xaqsoorka iyo sinnaanta jinsiyadeed iyo mid bulsho
Fursado loo siman yahay oo ay heli karaan dhallinyarada, haweenka iyo dadka shaqo raadiska ah
Waxay codkeeda ka dhex maqashiin doontaa baarlamaanka si ay u difaacdo dadka Soomaaliyeed iyo dhammaan bulshada nugul. Waxay u taagan tahay mustaqbal cagaaran, cadaalad bulsho, iyo midnimo dhab ah.
Maxay ku dhigan tahay codkaaga?
Codkaaga ma aha keliya warqad sanduuqa la geliyo. Waa farriin, waa qaylo-dhaan, waa yididiilo. Haddii aan dooneyno in carruurteennu helaan waxbarasho tayo leh, shaqooyin furan, iyo bulsho na aqoonsata oo na qadarta – waa inaan si firfircoon uga qeybqaadanaa doorashada. Waa inaan u istaagnaa sidii aan codkeenna ugu dhiiban lahayn qof na matali kara, na fahmi kara, na difaaci kara.
Maalinta Doorashada
Taariikhda: 29 Oktoober 2025
Goobaha codbixinta: iskuuladda ama iyo meelaha kale ay ay dawladu ugu talagashay
Saacadaha: 07:30 – 21:00
Hubi in aad haysato kaarka aqoonsiga (ID-ka) iyo warqadda codbixinta (stemkaart) si aad u codeyso.
Gunaanad
Soomaaliyeey, waa waqtigii aan muujin lahayn midnimadeenna, codkeena iyo ka qeybqaadashadeenna siyaasadeed. Aan codkeena siino Fatumo Farah