Munaasabada 1da luulyo 2022 Nijmegen

Xaflada si heer sare ah loo soo agaasimay islamarkaana ay iska kaashadeen Dalada Fsan iyo ururka SBIN ayaa waxaa lagu qabtay malitii sabtida ahayd magaaladda Nijmegen, Munaasabada ayaa waxaa ka soo qayb galay Fanaaniin sida fanaanka weyn ee Cabdi baadil oo halkaasi ka qaaday heeso wadani ah iyo masuuliyiin ka socotay Daladda Fsan.

sidoo kale waxaa kasoo qayb galay Masuuliyiin horey xilal uga soo qabtay dawlada soomaliya sida Rasulwasaarihii 10aad mudane Muxumad cabdi yusuf oo ka sheekeeyay xornimadii la qaatay iyo sida ay ku imaatay.

sidoo kale waxaa kasoo qayb galada dadweyne aad u tiro badan islamarkaas kulabisnaa calanka kuwaas oo ay wajiadooda ka muuqatay farxad iyo reyn reyn.

si kastaba ha ahaatee xaflada ayaa waxay ku soo dhamaatey si wanaagsan

Masuuliyiinta ururka SBIN

Nijmegen

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *