Muxaadarooyinkii Bisha ramadaan ee uu qaban jiray Ururka SBIN

Muxaadaro diini ah  oo ay iska kaashadeen iney qabsoonto ururka (SBIN) iyo ururka xiriirka somalida Nederland (FSAN) oo cinwaankeedu ahaa xuquuqda dumar ay siisay diinta islamka ayaa waxaa lagu qabtay khadka internet-ka ee zoom-ka,

muxaadaradan ayaa waxaa ka soo qayb galay culimada ugu waaween  wadanka nederland iyo dadweyne kale oo aad u tiro badan ,

muxaadaradan ayaa waxaa soo jeediyey Shiiq  Axmed macalow oo ah ah culimada ugu waayeen wadanka Holland isaga oo ku dheeraaday xuquuda ay siisay diinteena xaniifka ah dumarka,

Sidoo kale waxaa meesha laga soo jeediyay muxaadaro kale oo ayadana ka hadleysay Fadliga uu leeyahay qofkii kofkale oo walaalkiis ah  afuriya wanaaga ay leeday iyo ajarka kusugan, waxaana soo jeediyay muxaadaraas aadka u qiimaha iyo qaayaha badneyn shiiq Muxyadiin oo isna ka mid ahaan culimada ugu waaweyn wadankan Holland,

Muxaadarooyinkaan Ayaa ahaa ku aad looga faaíideystey islamarkaan dadweynihii ka soo qayb galay ey aad usoo dhaweeyeen,

Ugu danbeyntii waxan halkan ugu mahad celineynaa dhamaan cid kasta oo gacan ka geysatay in ay qabsoomaan muxaadarooyinkanoo ay ugu horeeyaan Ururka ‘’FSAN’’ iyo intii ka soo qayb gashayba, gaara ahaan waxaan umahad celineynaa culimadii noo soo jeedisay muxaadarooyinkan waxaan leenaha  ajar iyo xasanaad aan lasoo koobin Karin Allah ha idinka siiyo,

Wabilaahi Towfiiq

Maamulka Ururka SBIN

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *