XAFLADDA SOO DHAWEYNTA ORADYAHAN ABDI NAGEEYE MAGAALADA NIJMEGEN

Maanta oo ay taariikhdu ku beegantahay 15-08-2021 waxaa xaflada si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu soo dhaweynayay oradyahan abdi Nageeye ayaa waxaa lagu qabtay magaalada Nijmegen wadanka holland, xafladan ayaa waxaa soo agaasimay Ururka Somalische Belangemeenschap in Nijmegen (SBIN) waxaana si wadajir ah u fuliyey dhalinyada Sport-ga ee magaalada Nijmegen iyo Ururka SBIN.

Xafladan ayaa waxaan ka soo qeyb galay marti sharaf aad u badan sida dowlada hoose ee magaalada nijmegen , xisbiyada qeyb kamid ah, qeybaha kala duwan ee busha ku nool magaalada Nijmegen, Gudoomiyada dalada FSAN Mudane Ali awaare iyo ururo kale oo caalami ah, xafladaas oo ku soo gaba gabowdey jawi aad u wanaagsan.

Ururka SBIN waxa uu umahad celinayaa dhamaan cidii gacan ka geysatey qabsoomida Xafladan gaar ahaan kasoo qeybgalayaasha iyo oradyahan Abdi Nageeye.

Sawirada hoos ka fiirso

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *