XAFLADA FURITAANKA SANAD DUGSIYEED ILAMAHA EE 2021-2022

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimada isla markaana ay ka soo qeyb galeen culumada ugu waa weyn wadanka holland ayaa waxaa lagu qabtey Wijkcentrum Malvert ee magaalada Nijmegen, xaflaas oo ay ka soo qayb galeen dadweyne aad u tirabadan,

Culimada kasoo qayb gashay xafladan ayaa waxaa ka mid ahaa Sheekh muuse cade , Sheekh Axmed macalow, Sheekh Muxiyadiin iyo culimo kale oo badan , culimadan ayaa muxaadarooyin aad u qiimo badan halkaasi ka soo jeediyey, Sheekh muuse cade ayaa waxaa uu soo jeediyay Muxaadaro ka hadleysa qaraabada oo la xiriiriyo faaíidada ay leedahay,

Sidoo kale sheekh muxiyadii oo kamid ahaa culimada halkaasi muxaadarada kasoo jeedisay ayaa isna waxaa uu ku dheeraaday isla markaana sharaxaad fiican ka bixiyay sida ugu wanaagsan ee loo tarabiyeeyo caruuta,

si kastaba ha ahaatee xafladaas ayaa ku soo dhamaatey jawi aad u quruxbadan ,

Sawirada hoos kadaawo

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *